Hey’ada MSF oo xirtay laba xarumood oo ay ku laheyd Muqdisho

Hey’ada MSF ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u xirtay laba xarumood oo ay ku laheyd degmooyinka Hodan iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay hey’ada MSF ayaa lagu sheegay in la baabi’yey xarun caafimaad oo ay hey’adu ku laheyd degmada Hodan taasi oo ay yaaleen ilaa iyo 120 sariir.

Xaruntaasi ayaa lagu daweyn jiray caruurta uu haleelo xanuunka shubanka kuwaasi oo dawooyin iyo daryeelba lagu siin jiray.

Sidoo kale waxaa iyana la xiray xarun ku taalay degmada Wadajir oo ay yaaleen 120 sariir, sida warbixintu lagu sheegay xaruntaasi waxa ay eegi jirtay oo ay daweyn jirtay caruurta uu soo rito xanuunka jadeecada iyo shubanka.

MSF, waxay sheegtay in howlaheeda ay kasii wadi doonto degmooyinka kale ee magaalada Muqdisho, dhamaan howlihi ay qaban jirtay iyo qalabki yaalay xarumaha la xirayna waxa lagu wareejiyey xarumaha kale.

Go,aankan ayaa yimid kadib marki sanadki hore lagu dilay Muqdisho laba ka mid ah howlwadeenada MSF oo ajnabi ahaa.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.