Hey ada doha center oo deeq lacageed soo gaarsiiyey dad tabaaleysan

Suxufi ku dhaawacmay qarax
Suxufi ku dhaawa

Hey’ada u dhaq dhaqaaqdo xuriyada saxaafada ee Doha Center ayaa maanta kaalmo lacageed gaarsiisay sadex wariye oo ka mid ah dadki ku dhaawacmay weerarki ismiidaaminta iyo toogashada isugu jiray ee bishi hore ka dhacay Baarka The Village ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo gaareysa $4,000 oo doolar (Afar kun oo doolar) ayaa waxaa ay kusoo hagaajiyeen Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ‘NUSOJ’ kuwaasi oo iyaguna ku salimay wariyaasha kala ah Abdulaahi Ali Suldan, Mohamed Husein Gantleman iyo Guutaale.

Maxamed Ibrahim Pakistan oo ah xoghayaha guud ee ururka Nusoj, ayaa sheegay in lacagatan ay ugu kala qeybiyeen wariyaasha sida ay u kala daranyihiin, isaga oo tilmaamay in ay u bixiyeen qaabkan.

Abdulaahi Suldaan [$2,000], Mohamed Husein Gantleman [$1,000] iyo Guutaale oo helay $1,000, waxa loogu kala wareejiyey lacagtaasi sida uu u  kala darnaa dhaawacooda.

Gantleman oo u ku hadlay wariyaasha gudoomay deeqdaasi ayaa uga mahadceliyey hey’ada Doha Center  sida walaaltinimada leh ee ay ugu soo dirtay deeqdaan oo uu sheegay in ay wax weyn ka tari karto biilasha isbitaalka iyo dawooyinka ay qaataan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here