Hey’ada Culimada Soomaaliyeed oo maanta eegaysa Dastuurka Qabyo qoraalka

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee sida KMG ah loogu dhaqi doono Soomaaliya ayaa maanta waxaa la horgeyn doonaa Hey’ada Culimada Soomaaliyeed si ay uga turxaan bixiyaan qodobada ka hor imaanaya shareecada Islaamka.

Wasiiru dowladaha Wasaarada Dastuurka, Xasan Maxamed Jicmaale ayaa u sheegay wariyaasha in saakay oo Sabti ah la hor dhigayo Culimada Soomaaliyeed kuwaasi oo maalmaha soo aadan ku mashquuli doono sidi ay u waafajin lahaayeen Shareecada Islaamka.

“Maanta oo ah 16-ka June waxaan rabnaa in aan hor dhigno Culimada Soomaaliyeed si ay uga doodaan oo ay uga soo saaraan wax alle iyo wixi ka hor imaanaya shareecada Islaamka, iyaga ayaa xaq u leh diinatana ugu sareeya dalkeena marka si uu noogu noqdo dastuur waafaqsan Shareecada Islaamka ayaan maanta horgeyneynaa waxaana uu socon doonaa dhowr maalin,” ayuu yiri.

Mr. Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in 1-da bisha July ee soo aadan loo fariisan doono ansixinta dastuurka isla markaana haatan lasoo dhameystiray odayaashi dhaqanka ee ansixin lahaa.

Wuxuu sheegay in 20-ka bishan ay dhamaan wada imaan doonaan 820-ka oday dhaqameed ee la rabo in ay ansixiyaan dastuurka kuwaasi oo uu sheegay in haatan lasoo wada gudbiyey magacyadooda.

Dastuurka ayaa marka la anisixiyo waxaa lasoo magacaabayaa baarlamaanka, iyadoo qurshuhu yahay in baarlamaanakanka ay soo doortaan madaxweynaha cusub 20-ka bisha August ee soo aadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Culimadii soomaaliya wey u dhamaatey. Intey cadeyn lahaayeen waxaani inuusan ilaah raali ka aheyn ayigiibaa an sixinaya yaaaaaaabbb badaaaaaanaaa!!!!.

Comments are closed.