Hey’ada Culimada Soomaaliyeed iyo odayaasha dhaqanka oo cambaareysay duqeynti Jilib

Waxaa isa soo taraya cambaareynta ka imaaneysa qeybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ee ku wajahan duqeynti Axadi ay Kenya ku dishay shan caruur ah gudaha magaalada Jilib.

 

Gudoomiyaha Hey’ada Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax aad u xanuun badan ku tilmaamay weerarki Jilib, isaga oo ka codsaday dowlada in arintaasi aysan meel dhaw uga soo harin.

Diktoorka ayaa ugu baaqay madaxda dowlada in ay soo hor istaagaan dadka shacabka ah kadibna ogolaadaan in su,aalooyin laga weydiiyo.
“Waa arin xanuun badan oo aad looga tiiraanyoodo, waxaa la dilay dad muslim ah hadana Soomaali ah hadana caruur ah, waxaan soo jeedinayaa in dowlada ay mas,uuliyadeeda qaado kana jawaabto dadki ka danbeyeyna maxkamad soo taagto”. ayuu yiri.

 

Dhanka kalana afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye, Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa si weyn u cambaareeyey weerarki lagu dilay caruurta ee ka dhacay degmada Jilib, waxaana uu ku tilmaamay weerar cadawtooyo ah, isaga oo dadkana ugu baaqay in ay ka mudaaharaadaan.

“Arintaasi waxaan u aragnaa masiibo dhacday iyo garadro ay Kenyanka ah ku sameeyeen Soomaaliya, nimanka ay laayeen waa ilmo la yaqaano uu dhalay C/laahi Macalin Xuseyn, dowlada waxaan leenahay maxaad ugu fasaxeysaan in ay laayaan umadeenii, dadka waxaan leenahay haka mudaaharaadeen arintaasi,” sidaa waxaa yiri Axmed Diiriye.

 

Diyaarado ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa Axadi duqeeyey saldhiga degmada Jilib hase yeeshee waxaa gantaalo ku dhacay guri u dhawaa saldhiga ku dhintay ilaa iyo shan caruur ah oo afar ka mid ah uu dhalay nin horay u ahaa gudoomiyaha degmada Jilib.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.