Hey’ada Culimada oo ku eedeysay Al Shabab in ay ka danbeeyaan cunaqabateynta saaran Soomaalida

Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay Al Shababaab dhibaatooyinka xaga dhaqaalaha ee gudaha iyo dibada ku heysto dadka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Hey’ada Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in Shabaab ay u horseedeen dadka Soomaaliyeed ee dibada dhibaatooyinka iyo cunaqabateynta laga saaray xaga ganacsiga sida xawaaladaha.

Sidoo kalana ay saameyn weyn ku leeyihiin dhoofinta xoolaha nool oo uu sheegay in dalal badan oo caalamka ah ay kusoo celiyeen Soomaaliya amaba ay mudo badan xayir naayeen Al Shabaab aawadood sida uu hadalka u dhigay.

“Dhibka ay u geysteen Soomaalida cid horay ugu geysatay malahan, sida xoolaha la dhoofiyo, xawaaladaha iyo wixi kale ee la xiray sababahooda iyaga ayaa iska leh, marka waxaan soo jeedin jirnay haatana soo jeedineynaa Shabaab meesha ka baxa,” ayuu yiri Dirktoorka.

Wuxuu ugu baaqay in ay hubka dhigaan isla markaana ay ogolaadaan in dadkooda kusoo laabtaan.
“Waxay ila tahay wadada kalayah ee u furan ee culeyska milatari ka dajin karo waa in ay ka tanasulaan mowqfika, waxaan leeyahay dhib badan ayaad umada soo marsiiseen ee intaas haku ekaato hada kadibna dadkiina kusoo laabta,”

Al Shabaab ayaanan aqoonsaneyn Hey’ada Culimada Soomaaliyeed waxaana ay u yaqaanaan “Culumaa,u Suu” oo mcinaheedu yahay Culimada Xun.

Hey’ada Culimada waxaa amaankeeda suga ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyaga oo ku nool deegaanada amaankoodu la adkeeyey ee ay ku badanyihiin madaxda dowlada ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.