Hey’ada Culimada oo cambaareysay filimki lagu caayey Nabi Muxamed ‘CSW’

Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul u camvaareysay filimki aflagaadeeyey Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah madaxda Hey’ada Culimad Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyey filimki lagu aflagaadeeyey Nabi Muxamed (CSW).

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah madaxda Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed ay aad uga gubteen falkaasi wasaqnimada ah, isaga oo ku eedeeyey dowladaha reer Galbeedka in ay u baneeyaan dadkooda in ay ku xadgudbaan diinteena Islaamka.

“Waa nasiib darro dalalka reer Galbeedkana markay Islaamka iyo Nabigeena caayaan in ay ku andacoodaan in dadka ay rabaan in ay wax walba sameeyaan, laakin hadii la yiraahdo sax bey aheyd xasuuqii uu Hitler u geystay Yahuuda dadkaasi way xirayaan oo waxay leeyihiin niyada Yahuuda ayaa la ilaalinayaa, marka waa tani waa gaf naloo geystay iyo dhamaan Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Filimkaasi lagu aflagaadeeyey Nabigeena ayaa waxaa sameeyey nin kasoo jeedo Masiixiyiinta Khidbiga ee dalka Masar balse ku nool dalka Mareykanka.

Dhamaan muslimiinta caalamka ayaa ka mudaaharaaday waxaana ay keentay in ay u dhintaan dad badan oo ay ku jiray safiirki Mareykanka ee dalka Libya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here