Heshiiskii ay DF Somalia la gashaya FAVORI oo sharci-darro lagu tilmaamay

Heshiiskii ay Dowladdu la gashaya FAVORI oo Sharci-darro lagu Tilmaamay
Heshiiskii ay Dowladdu la gashaya FAVORI oo Sharci-darro lagu Tilmaamay

Guddiga gaadiidka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay sharci-darro heshiiskii ay dowladdu la gashay shirkadda FAVORI ee laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo hadda gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow  oo madax u ah guddiga gaadiidka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xildhibaannada baarlamaanka u sheegay in heshiiska ay xukuumaddu horay ula gashay shirkadda FAVORI LLC uu ahaa mid sharci-darro oo ka horimaanaya sharciyada dalka.

“Heshiiska ay xukuumaddu Soomaaliya la gashay shirkadda FAVORI waa mid ka horimaanaya qodobbada sharciyada dalka qaarkood, waana inay xukuumaddu si dhaqso ah ku horkeento baarlamaanka heshiiskaas,” ayuu yiri Dhuuboow.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa sheegay xukuumadda in looga baahan yahay in ay joojiso dhismaha garoonka diyaaradaha oo ay shirkadda Fovori ay dhiseeso

2 COMMENTS

  1. waxaan garan la ahay soomaaliyeey halka noola wato
    dadka maanta turkiyo eedeeynaaya halkeey jireen 23 sano maxeey wax u qaban waayeen mase dowlado kale ayeey hoosta ku wataan oo ay rabaan in turkiyo lagu badalo
    mase waa dad eey muqdisho soo noqoshadeedu u tahay geeri
    turkiyo waxeey noo yimaadeen maalin illaaheey ogaa sidaan eheen waxaa noo yimid madixi ugu weynaa turkiyo iyo xaaskiisa sharafta badan ee ninkeeda ku kaalmeeysa siduu qeyrka u fidin lahaa waa eey noo soo gurmadeen deeq iyo daawoba keeneen waxeey caalamka ku yiraahdeen soomaaliyo waa ladayacay laakiin maanta wixi ka dambeeya anagu ka tagi meeyno wallaalaheena soomaaliyeed

    waxeey balan qaadeen ineey muqdisho ka dhigi doonaan istambuul oo kale iyagoo og caasimadu doorka eey leedahay
    dabadeedna wadanka oo dhan ayaan qeeyb ka qaadan doonaa horumarkiisa ayeey yiraahdeen
    waana dad lagu yaqaan run iyo deeqsinimo weligood ayeeyna caalamka faqiirka ah soo kaalmeeyn jireen

    waxeey gacmahooda ku qaadeen qashinki labaatan sano yiilay
    caasimadeena illaaheey abaalkooda jano ha ka dhigo aamiin
    waxaan dhihi lahaa xildhibaanada mucaaradka ku ah turkiyo maxaad dadkiina u qabateen waxaad taqaaniin inaad kuraasta
    ka qeeylisaan waxaan leeyahay duf ku baxa cid kastoo lugaha naga jaraysa in yaroo wadaniya maahee calooshiinaad u shaqeeysiin ee naga daaya hagrdaamada aad shacabka ku haysiin shacabku waa yaqaanaa cidi wax u qabatay ee ogaada taas
    mudane madaxweyne waxaad tahay nin wadaniya oo wadankiisa ku sabray matihid amiir xarbi wadankaadana waad ku sabartay wixi dhacay oo dhan
    marka iska jir oo naga jir dadka iyo dowladaha turkiyo neceb ee raba in turkiyo la eryo soomaaliyana eey halkeedi ku noqoto
    waxaa jiro dowlado isugu jiro reer galbeed iyo carab oo cadaw ku eh turkiyo oo aan turkiyo iyo anagaba kheyr nala rabin ee aan ka feejignaano soomaaliyeey
    illaaheyoow cidi garab na siisa garab gal cidi lugaha naga jareysana gabalkeed \dhaco aamiin

  2. Idinka waayaabe ma dalka horumarkiisa ayad ka soo horjeedaan….

    shacabka warar anfacaya u soo qora..
    mise website-kaan maaha mid soomali ay leedahay waaaba yaabe?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here