Henry oo heshiis laba bilood ah u saxiixay Arsenal

Kabtanki hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa kadib sanado uu ka maqnaa dib ugu laabtay maanta.

Xidigaan u dhashay dalka France ayaa saxiixay heshiis amaah ah oo laba bilood ah si uu xaga weerarka uga saacido maciln Arsen Wenger, waxaana taasi ay ka danbeysay marki kooxdiisa New York Red Bulls ee dalka Mareykanka ay u ogolaatay maadaama uu xiranyahay hada horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer.

Waxa uu buuxin doonaa booska uu faarujiyey weeraryahanka xulka Ivory Caost Gervinho oo bilaha January and February ku maqnaan doono koobka Qaramada Africa oo todobaadka soo aadan furmi doona.

Henry ayaa la rajeynayaa inuu safto kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Isniinta naadiga Leeds oo ah kulan ka tirsan koobka FA Cup.

Henry ma xiran doono nambarka uu caanka ku yahay ee 14 sababtoo ah waxaa wata Theo Walcott sidaasi daraadeed wuxuu labisan doono mabar 12.

Tababaraha kooxda Arsen Wenger ayaa sheegay in 34 jirkaan uu aad ugu faraxsanyahay inuu mar labaad naadiga kusoo laabto.

Henry ayaa ah ninka ugu gool dhalista badan kooxda ee taariikhda inta laacib ee soo martay Arsenal.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. ASC WRWB DHAMAAN WALAALAHA SOOMAALIYEED ALL SALAAN SARE IYO BAHDA WEBKA MIDNIMO ALL WAXAN
    WAXAAN DHIHI LAHAA WAA FIKRAD FIICAN IMATINKA TERY HANERY WAA MID WANAAG SAN VIVA ARSENAL ALLWAYS TY ALL ASC WRWB

Comments are closed.