Helikobtaro shalay duqeeyey deegaanka Kudhaa

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shalay galab ay diyaarado duqeeyeen deegaanka Kudhaa ee ku yaala xeebta Jubada Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaa ku dhaawacmay laba ruux duqeymahaasi oo ku socotay deegaanka mudo ku dhawaad 30 daqiiqa ah.

Deegaanka Kudhaa oo isku xira magaalooyinka Badhaadhe iyo Buurgaabo ayaa 90-km waxa uu kaga beeganyahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Wararka waxay sheegayaan in meelaha ay beegsadeen diyaaradahaani oo ahaa laba Helikobtar saldhig ay Shabab ku leeyihiin goobta iyo xaafad dhanka bari ee deegaankaasi.

“Laba diyaaradood oo joog hoose ku duulayey ayaa bambooyin nagu rusheeyey waxay ahaayeen Helikobtaro laba ruux ayeyna naga dhaawaceen oo rayid ah mar walbo waxay kasoo kacayeen dhinaca bada,” ayuu yiri nin diiday magaciisa in lasoo xigto sababo amaan oo ku sugan Kudhaa.

Dhanka kale waxaa jiray gantaalo culus oo xalay deegaanka kor maray kuwaasi oo dadka mar kale ar gagax geliyey, gantaalahaasi waxa ay ka imaanayeen dhinaca bada.

Weerarkaan wuxuu kusoo beegmayaa xilli todobaadki hore diyaaradaha dagaalka Kenya ay dad rayid ah ku laayeen deegaanka Hoosingo oo ka tirsan Jubada Hoose.