Helikobtaro ay Uganda usoo dirtay Somalia oo lagu waayey gudaha Kenya

Milatariga Uganda ayaa sheegay in qaar ka mid ah helikobtaradooda oo ay usoo direen dalka Soomaaliya ay ku waayeen hawada dalka Kenya Axadi shalay aheyd.

Diyaaradahaan dagaalka ayey Ugandesku sheegeen in ay ugu tala galeen sidii loogu xoojin lahaa awooda ciidanka Midowga Africa ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, waxaana la socday ciidamo ka mid ah kuwa cirka ee dalka Uganda.

Milatariha waxay sheegeen in koox helikobtaro ah ay ka duuleen saldhiga magaalada Entebbe ee dalka Uganda balse hal diyaarad oo kaliyah ee caga dhigatay magaalada Wajeer ee dalka Kenya halkaas oo ay aheyd in ay shidaal kasii qaataan si ay usii tagaan Soomaaliya.

Wali meysan kala cadeyn ciidamada Milataruga Uganda tirada diyaaradahaasi iyo inta ruux ee al socotay balse waxay sheegeen in baaritaan xoog leh uu socdo.

Ciidamada Uganda ayaa ah lafdhabarka ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya waxaana todobadi bishaan August ay ciidamada cirka Uganda sheegeen in ay ku biirinayaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya diyaarado iyo ciidamada cirka Uganda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here