Helari Clinton Oo Lakulmeysa Madaxweynaha Dalka Masar

Xoghayaha arimaha dibadda mareeykanka Helari Clinton oo booqasho kujoogta wadanka maser ayaa lagu wadaa ineey kulan la qaadato madaxweynaha cusub ee wadankamasar maxamed mursi.

Helari Clinton ayaa laga yaabaa in mursi ay kadalbato inuu dajiyo xaalada siyaasadeed ee gudaha dalka maser iyo tan dibadda.

Madaxweynaha ay sida xorta ah udoorteen shacabka maser mursi ayaa maalmaha ugu horeeya xukunkiisa waxaa soo wajahay dhibaatooyinka salka ku haaya arimaha dastuurka kadib markii uu isku dayay inuu markale dib usoo celiyo baarlamanka wadankaas oo ay kalhore kala dirtay maxkamada ugu sareeysa ee dalka maser.

Clinton ayaa horay usheegtay in mareeykanka uu garab taaganyahay madaxweyne mursi maadama uu yahay hogaamiye ay shacabka masaarida si dimoqraadiyad ah kusoo doorteen.

Maxamed mursi oo katirsan xisbiga Xuriyada Iyo Cadaalada ahna garab kamid ah ururka Ikhwaanu muslimiinka ayaa bishii june 30-keeda loo doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee ay shacabka masaarida six or ah usoo doorteen.

Wariyaha Bbc-da ee magaalada Qaahira ee John Leyne ayaa wuxuu leeyahay sanado kahor mareeykanka waxay sheegayeen in aysan marnaba lahadli doonin Ikhwaanu muslimiinka.

Laakiin maamulka madaxweyne Brack Obama ayaa usoo dagdagay inuu xiriir lasameeyo madaxweyne mursi si ay uga faa’iideeystaan.

Mareeykanka ayaa dhowr mar ku celceliayay ineey rajeeynayaan in mursi uu ilaalin doono xuquuqda insaanka iyo dimoqraadiyada.

Ikhwaanu muslimiinka ayaa dhankooda dhowr mar waxay sheegeen ineeysan rabin ineey ka go’doomaan caalamka intiisa kale, maxaa yeelay wadanka maser badankiisa waxa uu ku tiirsanyahay kaalmada dibadda iyo dalxiiska.

Helari Clinton ayaa isbuuc kahor waxay sheegtay in dadka masaarida ay xaq uleeyihiin ineey helaan wixii ay usoo dhibtoodeen una codeeyeen,

Clinton ayaa lagu wadaa ineey booqato srael maser kadib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here