Heegan oo la wareegtay hoggaanka horiyaalka

Heegan oo la wareegtay hoggaanka horiyaalka kubadda cagta Somalia
Heegan oo la wareegtay hoggaanka horiyaalka kubadda cagta Somalia

Kooxda Heegan ayaa la wareegtay hoggaanka horiyaalka kubadda cagta Soomaaliya, kaddib markii 3 iyo 1 ay uga adkaatay kooxda Savana oo ah kooxda ugu hooseesa horiyaalka.

Kulanka oo ka dhacay garoonka Koonis ee ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho, waxa ay labada koox soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay.

Qaybtii horre cayaarta waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 1, balse markii dib la isugu soo laabtay ayaa kooxda Booliska waxa ay dhalisay labo gool oo degdeg ah.

Cayaarta ayaa xilligii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 3 iyo 1 oo ay ku adkaatay kooxda Heegan.

Heegan iyo Banaadir Sports Club ayaa hoggaanka isla haya walow farqi goolal ah ay ka horreyso kooxda Heegan.

Cayaarta galabta ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah cayaarihii ugu adkaa ee soo mara horiyaalka tan iyo markii uu billowday sannadkii horre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here