Heegan oo ku guuleesatay koobka kubadda kolayga Gen: Daa’uud

heeganKooxda kubadda kolayga Heegan ayaa galabta ku guuleestay  koobka Gen: Daa’uud oo maalmahan ka socday garoonka Wiish ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Cayaarta oo aad u xiiso badneed, waxaa ka soo qaybgalay kumanaan qof kuwaasoo jecel kubadda kolayga.

Garsoorayaasha cayaarta ayaa ka dhawaajiyay seeriga, waxaana sidaas lagu billaabay cayaarta, taasoo labada dhinac ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay.

Taageerayaasha labada koox ayaa kala watay boorar ay ku taageersan yihiin kooxahooda, waxaana garoonka buuxiyay dadyow ka kala yimid degmooyinka Muqdisho.

Cayaarta waxa ay socotaba, waxa ay ku dhammaatay xilligii loogu talagalay 72-dhibcood iyo 62-dhibcood oo ay ku badisay kooxda Heegan.

Heegan waa markii labaad oo isku xigga oo ay ku guuleesato koobka kubadda kolayga ee General Daa’uud.

Koobkan oo bishii hore la soo billaabay, waxaa ka qaybgalay 12-koox, waxaana kaalinta labaad gashay kooxda ILS oo ah koox ku cusub tartamada cayaaraha kubadda kolayga, halka kaalinta seddaxaad ay ka gashay kooxda Dekedda oo shaley ka adkaatay kooxda Horseed.

Qaar ka mid ah cayaartoyda kooxda Heegan oo la hadlay Website-ka Midnimo.com ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin guusha ay kooxdooda gaartay.

Cayaaraha kubadda kolayga ayaa aad looga jecel yahay waddanka Soomaaliya, waxaana aad arkeysaa dad badan oo hadda doonaya in ay bartaan cayaarta kubadda kolayga.



heegan17-cadaani8
shacbi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here