Heegan oo galabta adkaatay

DSC05192

Kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa galabta ka adkaatay kooxda LLPP Jeenyo, kaddib markii labada koox ay ku cayaareen garoonka Koonis ee degmada Cabdi Casiis ee magaa;ada Muqdisho.

Cayaarta galabta ayaa aad u adkeyd waxaana labada koox ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay, waxaana qaybtii koowaad ay ku dhammaatay 0 iyo 0.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa kooxda Heegan waxa ay heshay gool ku laad waxaana u dhaliyay  Weeraryahanka kooxda qaranka Soomaaliya, Jibriil Xasan Fariid.

Kooxda Jeenyo ayaa isku dayday in ay iska guto goolka lagu lee yahay bale cayaarta ayaa siddaas ku dhammaatay, waxaana kooxda Heegan ay ku soo biirtay kooxaha hogaanka u haya horiyaalka oo waxa ay min 12-dhibcood isla lee yihiin kooxda Elman oo ah kooxda horiyaalka hoggaanineysa.

Cayaarta galabta waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socota xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur Ameerico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here