Hay’adda Nabadsugida oo soo bandhigtay rag faafinayay Mad’habta Shiicada

download (1)Hey’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir maanta waxaa ay soo bandhigtay rag faafinayay mad’habta Shiicada. Waxaa ay NISA sheegtay in ay arrinkaasi maalgalineysay Safaarada dalka iiraan ay Soomaaliya kuleedahay.

Warka kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgal ay Ciidanka NISA ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qab qabtay Dad isugu jira Soomaali iyo Iran kuwaas oo waday Barnaamj lagu Shiiceynayo Soomaalida.

NISA ayaa Warkeeda lagu sheegay in Hay’ad lagu magacaabo Al Khumayni oo si toos ah u hoos tagta Safaarada IRAN ee Muqdisho ay waday oo faraha ay kula jirtay faafinta afkaarta Shiicada looga dhigayey Dad Soomaali ah.

Xiligii Dadkaasi la soo qabanayey ayey ku howlanaayeen Mashruuc Magaciis ahaa Xaflada Dhalashada NABIGEENA NNKH iyaga oo bixinayey hadiyado i yo Guur wadareed ay isugu guurinayeen Dhalinyaro laakiin waxey aheyd mid ay ku hoos wadeen Barnaamij Shiiceyn ah oo ay fulineysay Hay’ada Al Khumeyni.

Warbxinta oo dheer ayaa lagu xusay Magacyada Dadka waday Mashrucaas iyadoona la xusay in Masuuliyiin ka tirsan Dowlada ay xiriir wada shaqeyn oo dhaw ay la leeyihiin Safaarada IRAN iyo Al Khumeyni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here