Hay’adda Nabad Sugida oo beenisey in ciidamo ka tirsan lagu diley magaalada Muqdisho

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa beenisey in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada nabadsugidda ee magaalada Muqdisho ay dileen ama afduubteen  ururka Alshabaab.

Agaasimaha hay’ada Nabadsugida ayaa sheegay in dadka ay ku tilmaameen ururka Alshabaab inay ka tirsanaayeen Nabad Sugida ayna ku dileenmagaalada Muqdisho dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ay tahay  been waxba kama jiraan ah.

Agaasimaha hay’adda Nabad sugidda Axmed Fiqi ayaa sheegay in dadka la diley ay ahaayeen dad masaakiin ah oo aan wax lug ah ku lahayn Nabadu Sugidda taana ay ku doonayaan ururka Alshabaab inay ku daboolaan dib udhaca iyo guuldarada ay kala kulmeen ciidamada dowlada kumeelgaarka ah.

Warkan ka soo baxay hay’adda Nabadu sugida ayaa imanaya xilli dhowaan ay magaalada Muqdisho ku soo badanayeen dilalka loo geysanayo dadka ku nool magaalada xilliyada habeenkii.

Agaasimaha Nabad Sugida ayaa waxa uu  u digey ururka Alshabaab isagoo sheegay in tallaabo adag ay dhowaan ka qaadi doonaan magaalada Muqdisho gaar ahaan halka ay ku dhuuntaan ururka Alshabaab.