Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo cambaaareysey warka soo baxay Alshabaab.

Guddoomiyaha Hay’ada culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay war ka soo baxay madaxa dacwada ee ururka Alshabaab Shiikh Fu’aad Shongole oo ka hadlayay arrimo ku saabsan dadka ka barakacay magaalada Muqdisho.

Shiikh fu’aad Maxamed Qalaf Shongole  waxa uu ku tilmaamay in dadka barakacaya deegaanada ceelasha una cararaya magaalada Muqdisho ay  yihiin kuwa ka baxay diinta islaamka waxaana arrinkaas si kulul u cambaareeyay oo gaashaanka u daruuray Hay’ada Culumada Soomaaliyeed.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culumada soomaaliyeed kuna sugan magaalada muqdisho  ayaa waxa uu tilmaamay in hadii dadkaasi ay naftooda la baxsadaan aysan danbi laheen Shongolena uu yahay mid arintasi xadgudub ku ah.

Sidoo kale gudoomiyaha hay’ada culumada soomaaliyeed sh Bashiir Axmed salaad ayaa waxa uu shabaab ugu baaqay in ay ka tanaasulaan arimahaasi oo kale waxa uuna intaasi ku daray in shacabka soomaaliyeed aysan suurta gal u ahayn in ay duurka galaan mana ahan dad jabhadeen kara balse al shabaab waxa ay yihiin dad duurka, buuraha gali kara oo jabhadeen kara

Kumanaan ruux oo ku noolaa labadii sano ee la soo dhaafay deegaanka ceelasha biyaha ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho labadii maalmood ee la soo dhaafay  kadib markii ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ay u ruqaansadeen dhinaca deegaanka Ceelasha biyaha.