Hay’adaha Amaanka Dowladda oo Sheegay Inay Qaadayaan Talaabo Deg deg ah

Hay’adaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda ay qaadi doonaan tilaabo adag oo ay ugu aargudayaan islamarkaasna ku ogaanayaa arxan laawayaashii ka dambeeyay qaraxyadii ay dadka badanku dhinyeen ee ka dhacay xarunta Hooyooyinka ee Muqdisho.

Masuulyiinta hey’adaha ammaanka ee Dowladda oo kulan deg deg ah ka yeeshay weerarkii ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa ay soo saaren go’aano la xiriira dhinaca ammaanka iyo howl galo ballaaran oo si wada jir ah sameyn doonaan.

Masuulyiinta Dowladda oo shacabka kala hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay qaadi doonaan tilaabooyin waxgal ah oo ku aadan cidii ka dambeysay qaraxyada.

Xuseen Carab Ciise Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirkii gaashaandhiga oo hadlay ayaa sheegay inay weerarkii shalay uu ahaa weerar fuleynimo ah oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada Soomaaliya, wuxuuna shacabka uga tacsiyeeyay dhibaatadii shacabka soo gaartay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here