Hay’ada Nabadsugida oo fashilsay weerar xoogan oo lala damacsanaa Xalane

imagesBQT5Y0DZNabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xalay fashilisay weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabab doonayeen in ay ku qaadaan xarunta Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM iyo qaar ka mida diblomaasiyiinta shisheeyaha.

Hay’adda Nabad Sugida ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka oo ka war heley qorshahaas islamarkaana ku jirey howlgal ay ammaanka ku sugayeen ay iska hor yimaadeen gaari caasi ah oo wadey hoobiyayaal, kadibna ay rasaas is weydaarsadeen.

Hay’adda ayaa sheegtay in qaar ka mida rasaastaas ay badda ku dhacdey oo aaney wax qasaare ah geysan.

Halkaan ka dhagayso:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here