Hay’ada Nabad Sugida oo Shacabka Ugu Baaqday Ineey Garab Ku Siiyaan La dagaalanka Al-shabaab

Agaasimaha hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya, Axmed macalin Fiqi, ayaa markii ugu horeesay waxa uu warbaahinta u sheegay in shabaabka ka dagaalama Soomaaliya uu kala dhaxeeyo dagaal uu ku tilmaamay inuu yahay mid xaq ah, saraakiisha iyo ciidamada Nabad sugidana ay diyaar u yihiin ineey u dhintaan una dhaawacmaan sugida amaanka dalka.

“…Hay’ada Nabad Sugida iyo Al-shabaab, waxaa ka dhaxeeya dagaal xaq ah, dhankeena xaq ka ah, dhankoodana xaq darro ka ah, saraakiisheena iyo Ciidamadeenana waxaan diyaar u nahay inaan u geeriyoono, u dhaawacano, sidii uu dalkaan nabad iyo amaan ku heli lahaa, runtiina taas aad iyo aad ayay sharaf noogu tahay….” Ayuu yiri Fiqi, agaasimaha Nabad Sugida qaranka.

Dhanka kale agaasimaha Nabad sugida, ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday ineey ka gacan siiyaan dhamaystirka Al-shabaab, sidoo kale waxa uu fariin u diray Ciidamada Nabad sugida, oo iyagu maalmahaan dilal gaadmo ah iyo qaraxyo kasoo wajahayeen Al-shabaab.

“…Waxaan dadka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan ugu yeerayaa in Cadawga meel looga soo wadajeesto, lalana dagaalamo, waa dad aan naxariis lahayn, diin lahayn, dadnimo lahayn, mabaa’dina aan lahayn, waxaana Askarta ku  baraarujinayaa ineey indhahooda furaan, ineey heekankooda 100% ka dhigaan, iyo dhamaan Ciidamada qalabka sida oo dhan…” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Agaasimaha Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed.

Warkan kasoo baxay hay’ada Nabad Sugida, ayaa yimid kadib markii shalay weerar ismiidaamin ah lala beegsaday gaari uu watay taliyaha Nabadsugida G/banaadir Khaliif Ereg, laakiin weerarkaas waxaa ku halaagsamay shacab masaakiin ahaa, oo ay kamid ahaayeen Arday Soomaaliyeed, iyo wariyayaal.

Madaxda ugu sareysay doowlada Soomaaliya, sida Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa dhamaantood si xoogan u canbaareeyay weerarkaas, sidoo kale waxaa Canbaareeyay Xafiiska QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya UNPOS, iyo AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here