Hay’ada Islamic Relief oo sheegtay in 1.3 Milyan oo ruux ay saameyn ku yeelan doonto xayiraadii ay ku soo rogtay Alshabaab

Hay’ada Islamic Relief ayaa ka hadashay sida ay u aragto mamnuucidii ay ururka Alshabaab ku soo rogtay hay’adda deegaanada ay maamusho kadib markii ay ku eedeysay hay’ada inay  fulin weysey heshiisyadii ay hore u galeen.

Hay’adda samafalka Islamic Relief ee ka howl gasha gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dad gaaray 1.3 malyan oo ruux oo Soomaali ah ay saameyn doonto  xayiraadii Alshabaab ku soo rogtay.

Agaasimaha Bariga Afrika ee Islamic Relief, Iftikhar Shaheen ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in go’aanka Alshabaab uga mamnuuceen iney ka shaqeeyaan gobolada ay maamulaan ay saameyn doonto in ka badan hal milyan Soomaali ah oo ay siin jireen kaalmo aadannimo.

Agaasimaha hayadda ee bariga Afrika, Iftikhar Shaheen ayaa beeniyey eedeynta Alshabaab u jeediyey ee aheyd in mashaariic ay leedahay hay’adda WFP ay ka fuliyeen Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay dalka ka maamulaan Alshabaab.

Hey’adda Islamic Relief UK oo ah Hey’ad Islaami ah ayaa howlo sama fal ka wada gobolada dalka, kuwaasoo isugu jira qeybinta raashinka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo howlo kale, iyadoo ka mid aheyd Hey’adaha fara ku tiriska ee deegaanada Shabaab maamulaan ka howl galayay, waxeyna Soomaaliya ka shaqeyneysay tan iyo sanadkii 2006.

Ururka Alshabaab ayaa illaa iyo 16 hay’adood hore ugaga mamnuucay dalka Soomaaliya iyadoo hay’adahaa ay badankood ahaayeen kuwo hoos taga Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here