Hay’ad Turkish ah oo Muqdisho ka dhiseysa Isbitaal Caruurta u gaar ah

2016227635921652159278901maternityHay’ad Samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa sheegtay ineey Muqdisho goordhow ka hir gelin doonto Isbitaal u gaar ah caruurta Soomaaliyeed.

Doowlada Turkiga iyo Hay’adaha samafalka dalkaas, ayaa Soomaaliya usoo gurmaday sanadkii 2011, markaasoo qeybo kamid ah dalka ay ka jireen abaaro xoogan.

Sadik Danisman, oo u hadlay Hay’adan Samafal, ayaa sheegay in dhismaha Isbitaalka hada la dhamaystiray, islamarkaasna goordhow la qalabeyn doono.

Isbitalkan ayaa ku fadhiya dhul cabirkiisu dhanyahay 27000 Square Meter, sidoo kale qalabka iyo Daawada ayaa waxaa looga soo daabuli doonaa dalka Turkiga.

Isbitaalkan ayaa waxaa lagu daaweyn doonaa Caruurta yar yar, sidoo kale waxa uu yeelan doonaa qeyb ay ku dhalaan Hooyooyinka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here