Hawlgalo la Fuliyey Balcad Iyo Maamulka Ka Hadlay

Guddoomiyaha degmada Balcad Cismaan Maxamed oo Warbaahinta u sheegay in ciidamadda dowladda ay hawlgallo lagu beegsanayo raga ku lebisan dareeska ciidamadda ee dhaca geysta ay ka fuliyeen degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Hawlgal lagu ugaarsanayo raga ku lebisan dareeska ciidamadda dowladda waxaana uu xusay in dharka uu yaalo suuqa islamarkaana aan mar waliba lagu eedeyn Karin ciidamadda dowladda kuwa dhaca geysta.

“Dareeska suuqa ayuu yaalaa, annaga waxaa naga go’an inaan raadino oo aan u gaarsano kuwa ku lebisan dareeska ciidamada dowladda” sidaas wxaa dhahay gudoomiyaha balcad.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in hawlgaladaasi ay dad ku lebisan dareeska ciidamadda ay ku soo qabqabteen

Degmada Balcad ayaa waxa ay kamid tahay deegaanada ay ciidamadda dowladda kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here