Hawlgalkii Ugu Ballaarnaa Muddooyinkaan oo Laga Sameeyey Xamarjajab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgalkii ugu balaarnaa muddooyinkaan waxay ka sameeyeen degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howlgallada ayaa sameeyay Ciidamo isugu jira kuwa boolis ah iyo Nabad Sugidda, waxaana la sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay inka badan 300-oo ruux kuwaasi oo la sheegay in ku sugnaayeen gudaha degmadaasi.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgallada maanta ay ahaayeen kuwa qorsheysan oo lagu xaqiijinayay ammaanka, isagoo xusay in lagu qab qabtay 23-ruux sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha Nabad Sugidda ayaa shaaca ka qaaday in baaritaanno ay ku hayaan ciddii la qab qabtay islamarkaana ciddii lagu waayaa dambi lasii dayn doono.

Howlgalladaani ayaa waxa ay imaanayaa xilli muddooyinkii dambe Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadeen gudaha Magaalada Muqdisho, iyagoo la dagaalamayay falal ammaan darri oo ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho.

Waa hawlgaladii ugu ballaarnaa oo ay muddooyinkaan gudaha magaalada Muqdisho ay ka sameeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here