Haweenka wadanka Jordan oo ragga kaga sara maray xaga sigaar cabista

Tirakoob lasameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenka wadanka jorday ay yihiin ku xaga sigaar cabista kaga sara maray ragga wadankaas

Tirakoob lasameeyay sanadii 2010 ayaa lagu ogaaday in hawenka wadankaJordanay 481 milyan oo sigaar ay cabeen sanadkaas,iyadoo dowlada ay nisfu milyuun haween ah kadaweeysay cuduro ay sababeen sigaar cabista,

Diana oo kamid ah haweenka wadankaas ayaa 6sano waxay cabeeysay sigaarka waxay shegtay in maalinkiiba ay cabto 40 xaboo sigaar, 150 doolarna ay bishiiba ku qarash gareyso sigaar cabista, waxayna sheegtay ineey aad ugu raaxeysato sigaart cabista ayna dooneen ineey joojiso

Haweeenka wadankan ayaa sigaar cabista u arka ineey waqtiga isaga lumiyaan isla markaasna uu uyahay faakiheysi iyadoo la ogyahay qarashka faraha badan eek u baxa iyadoo mid kamid ah haweenka wadankaas ay sheegtay in lacag dhan 1000 doolar ay bishiiba kaga baxdo sigaar cabista

Dowlada jorday ayaa sanadkiiba waxay miisaaniyad dhan hal milyan oo diinaar ku bixisaa daaweynta hawenka uu soo rito cudurada kadhasha sigaarka

Qarashka faraha badan ee lasiiyo haweenka wadankaas iyo ilaalin la’aanta waalidka ayaa waxay sahashay in gabdho badan ay cabaan sigaarka iyagoo kagaba saramaray ragga wadankaas