Haweenka Sacuudiga 90% Kuma Qanacsana Quruxda Alle Kumaneystay

Drs Naahida Sahiir oo ah maamulaha xaafiiska caafimaadka ee bariga sacuudiga ayaa baaris ay kusameysay haweenka sacuudiga ayaa waxay ku sheegtay in 90% haweenka boqortooyada aysan ku qanacsaneen qaabka iyo quruxdooda jir ahaaneed ee dibadda, waxaana magaalada jidah kuyaal ilaa 400 oo xarumood kuwaasoo ay dumarka isku qurxiyaan.

Daraasada ayaa lagu sheegay ineey soo kordhayaan haweenka isticmaala waxyaabaha laysku qurxiyo iyadoo 40% gabdhaha da’dooda udhaxeyso 28-37 sano jir ay yihiin gabdhaha saa’idka u isticmaala waxyaabaha laysku turukeeyo ama ay dumarka isku qurxiyaan, sidookale daraasada waxaa lagu sheegay in haweenka aan isticmaalin waxyaabaha laysku qurxiyo ay aad uyaryihiin waxaana lagu sheegay 17%.

Drs Naahida ayaa kadigtay qatarta ay leeyihiin waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan, waxayna sheegtay in maadooyinka laysku qurxiyo ay kadhashaan cuduro ku dhaca maqaarka halisna ah.

Daraasada ayaa lagu sheegay in haweenka sacuudiga ay aad u isticmaalaan kareemka lagu magacaabo “Tato” kareemkan ayaa lasheegay marka ay dumarka isticmaalaan inuu qodo maqaarka islamarkaasna uu jeexjeexmo

Sidookale daraasada waxaa lagu sheegay in haweenka qaar ee jooga goobaha ay dumarka isku qurxiyaan aysan ehel u aheen shaqada ay qabanayaan taasoo sabab unoqoneeysa in ay faafaan cudurada halista ah sida HIV-ga iyo kaadi dhiiga sidookale waxaa lagu sheegay cilmi barista in maadooyinka qaar ay dumarka isku qurxiyaan uu kadhasho cudurka kansarka kudhaca naasaha iyo kaadi haysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here