Haweenka Puntland: Siyaasada waan ka maqanahay

140105192548_puntland_464x261__nocreditDhawaan waxaa lagu dhawaaqay tirada xildhibaanada Puntland kuwaasoo ka kooban 66-mudane, waxaa ku jirta kaliye labo haween ah.

Marka sidaas darteed waxaa soo baxay in haweenka Puntland aysan ku badnayn siyaasada iyagoo sheegay in sababta tahay in beelaha aysan u ogoleen gabdhaha inay matalaan.

Ardo Saciid waxay ka mid tahay ururka xuquuqda dumarka ee Talo-wadaag, Cabdirisaaq Xaaji catoosh ayayna uga warantay waxa ay ka cabanaya.

Baarlamaanka cusub ee maamulka Puntland waxaa ku jira labo dumar ah oo kaliya. Waxaana arrinkan ka cabanaya ururada xuquuqda haweenka u dooda.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Maqalmp3