Haweenka oo isaga baxay Shirka Ansixinta Dastuurka

Haweenki ka qeybgalayey shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay fadhiga kadib marki ay sheegeen in la dhageysan waayey cabashadooda.

Haweenkan oo door ku lahaa maalmahan oo dhan ka qeybgalka shirka oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ogaadeen in ay weyn doonaan tiradi loo qoondeeyey ee aheyd %30 xildhibaanada baarlamaanka.

Arintaan ayey ku macneeyeen in beelaha Soomaalida ay intooda badan soo xusheen mudanayaal rag ah taasi oo daaqa ka saareyso in haweenka ay helaan kuraastooda.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa haatan ka socda xarunta shirka kulan gaar ah oo ay haweenka la leeyihiin wasiirada haweenka iyo arrimaha qoyska Dowlada KMG Soomaaliya Maryan Aweys.

Arintaan ayaa hadii aanan la xalin saameyn ku yeelan karta habsami u socodka shirka lagu ansixinayo dastuurka oo lagu wado in maalinta Khamiista ah lasoo gaba gabeeyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here