Haweeneydi qaaday quruxda dalka Venezuela sanadki 2000 oo geeriyootay

Boqoradi quruxda dalka Venezuela  sanadki 2000 Eva Ekvall  ayaa geeriyootay kadib xanuun ay mudo la tiiceysay.

Ekvall ayaa u dhimatay xanuunka Kansarka Naasaha waxaana da,deedu aheyd 28 sano jir sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Waxay ku dhimatay isbitaalka magaalada Houston ee dalka Mareykanka Sabtidi sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah qoyskeeda.

Eva Ekvall waxaa loo boqray haweeneyda ugu qurxan dalkeeda ‘Miss Venezuela’ sanadki 2000 sidoo kale isla sanadkaasi ay soo gaartay wareega ugu danbeeya ee tartanka quruxda aduunka.

Waxa ay horay usoo shaqeysay dumarka dharka xayeysiisa, atariisho jisho aflaanta iyo sidoo kale wariye TV oo warka aqrisa.

Waxay qortay buug ka hadlaya halganka ay kula jirto xanuunka ay u dhimatay, waxa kale oo ay dadka ka wacyi gelisay cudurkaasi Kansarka, waxa ay kusoo gaba gabeysay buuga sawirada iyada oo la daweynayo.

Waxa ay ifka uga tagtay gabar laba sana jir ah iyo xaaskeeyda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.