Haweeney Ganacsato Ahayd oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho iyo Dilalkii Rayidka oo Dib Usoo Laabtay

Sida ay sheegayaan dad ku dhaqan degmada Dayniile kooxo hubeysan ayaa xalay waxay haweney ganacsato ahayd waxay ku dileen degmadaasi.

ilaa seddex dhalinyaro ahayd oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaana rasaas madaxa iyo feeraha kala dhacay haweyneydaasi oo la shegay inay ka mid ahayd ganacsatada mehradaha yar yar kulahaa degmadaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay inay maqleen dilka haweyneydaasi islamarkaana kadib ciidamada degmada ay baaritaano sameeyeen si loo baadi goobo kooxihi ka dambeeyey dilka haweyneydaasi.

“Waa run inuu jiro dilka gabadhaasi oo ka mid ahayd ganacsatada degmada waxaana dilay kooxaha nabad diidka ee al shabaab,waxaan wadnaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falka dilka geystay ayuu yiri gudoomiyaha degmada Dayniile”.

Waa dilkii seddexaad ee degmada Dayniile ka dhacay muddo todobaad ah waxaana dilkan xalay ka horeeyey labo qofood ooiyana horay loo dilay midna uu ahaa wadaad caan ka ahaa degmadaasi.

Dilalka magaalada muqdisho waxay umuuqdaan kuwo dib usoo laabtay kadib labo todobaad oo yaraadeen dilalkii markii la dhaliilay habka ay ushaqeyaan ciidamada Nabad sugida iyo kuwa booliska kaasi oo canaan kulul ujeediyey madaxweynaha Somalia hayeeshee dib isku dhigasho ayaa la dareemayaa dilalkiina ay dib usoo laabteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here