Haweeneey u dhalatay dalka India oo noqotay naagta ugu gaaban caalamka

Gabar arday ah oo u dhalatay dalka Indian ayaa loo boqray maanta haweeneyda ugu gaaban aduunyada.

Jyoti Amge ayaa ah qof aad u gaaban waxaana dhirirkeeda oo gaaraya 62.8cm wax ka yar 7 sintimitir ayaa waxaa ku dhawaaqay in ay tahay qofka ugu gaaban shirkada diiwaan geliso waxyaabaha mucjisooyinka iyo dhacdooyinka la yaabka leh ee caalamka ee Guinness World Records.

 Jyoti Amge, waxay kala wareegtay booskaan Bridgette Jordan oo aheyd gabar Mareykan ah oo horay u heysatay rikoorka qofka ugu gaaban caalamka xaga dumarka.

Munaasabada loogu caleema saaray haweeneyda ugu gaaban waxaa lagu soo beegay sanad guuradeedi 18-aad ee dhalashadeeda, iyada oo ku dhalatay magaalada Nagpur ee dalka India.

Ms Amge waxa la sheegay in hada kadib aysan u dhineyn wax koritaan ah oo aanan rajo laga qabin in ay dheeraato, sanadki 2009 waxaa loo magacaabay gabadha ugu gaaban caalamka ee 19-jirada ama da,da ka hooseyso 20-ka sano.

Waxay ka hadashay munaasabadi lagu gudoonsiiyey abaal marnta oo ay waalidkeeda goob joog ka ahaayeen.

“Waa dabaal dag aan caadi aheyn, waxaana sharaf ii ah in sanad guuradeyda 18-aad aan ku helo rikoor cusub, hadii aanan gaab naan laheyn ma heli abaal marintaan mana booqdeen Japan iyo Europe,” .

Iyada oo soo dul istaagtay kursi ag yaalay Rob Molloy sarkaal ka tirsan Guinness World Records ayey tiri in hamigeeda ugu weyn uu yahay sidi ay u noqon laheyd xidigad ka tirsan shirkada Bollywood oo ah in ay noqoto Atariisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com