Hibaq Jama oo ku guuleysatay golaha deegaanka Bristol

Waxaa markii ugu horeysay doorashooyinka golaha deegaanada Britain gaar ahaan gobolka Bristol kusoo baxday haweeneey Soomaaliyeed oo u tartameysay xisbiga shaqaalaha ee (Labour).

Hibaq Jama
Hibaq Jama

Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Hibaaq Jaamac, waxaana markii ugu horeysay Taariikhda dalka Ingiriiska inta la xusuusto ay noqoneysaa haweeneeydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo iyadoo Xilibaan ah laga soo doorto magaalada Bristol.

Hibaaq Jaamac ayaa ku guuleysatay degmada Lawrence Hill ee ka tirsan magaalada Bristol iyadoo si fudud uga guuleystay xildhibaankii kusoo xigay oo ka socday Xisbiga lagu tilmaamo inay yihiin cunsuriyiinta ee loo yaqaan UKIP (UK independent Party).

Hibaaq, ayaa Lawrence Hill oo ka socday xisbiga UKIP kaga guuleysatay codad dhan 1,000.

Shacabka dagan magaalada Bristol ayaa intooda badan u codeeyay in Hibaaq Jaamac, oo ah gabar asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya ay noqoto Xilibaanada u matli doonta golaha deegaanada Britain.

Xisbiga Labourka ayaa helay 28 kursi, halka xisbiga kusoo xigay ee Liberalka uu helay 23 kursi, Xisbiga Conservative-ka ayaa helay 14 kursi, halka xisbiga Cagaarka (Green Party) uu helay 4 kursi iyo halka musharaxiinta madaxbanaan ay heleen hal kursi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here