Haweeneey Muslimad ah oo dacwad kusoo oogtay dhaqtarad Faransiis ah

maxresdefaultUrurka Takhaatiirta dalka Faransiiska ayaa maanta ka doodayaa Dacwad lagu soo oogay Takhtarad Faransiis ah, kadib markii ay diiday inay daawayso haweynay kale oo muslimad ah oo xijaab xirneyd.

Wakaaladda Wararka Islaamka Iina ayaa sheegty in diidmada Takhtaradaasi inay daaweyso haweynadaasi muslimada ah ay sabab uga dhigtay Xijjaabka ay xirneyd awgii, waxaana la sheegay in hadii uu ku cadaado falkaasi ay markaa muteysan doonto in lag eryo shaqada Takhtarnimada.

Inta badan Haweynka muslimiinta ah ee xiran xijaabka ayaa waxay dalalk Yurub kula kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay hanjbaad iyo midab kala sooc.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here