Haweeneey isku qarxin rabtay Jaamacada Kismaayo oo la qabtay

Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo, ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeneey isku soo xirtay waxyaabaha qarxa, islamarkaasna dooneysay ineey isku qarxiso Jaamacada Kismaayo halkaas oo uu ka soconayo shirka lagu soo dhisayo maamul goboleedka Jubaland.

Haweeneeyda ayaa la sheegay inuu ku xirnaa suunka loo adeegsado Ismiidaaminta iyo Banbaanooyin, waxaana islamarkiiba loo kaxeeyay Xabsiga magaalada Kismaayo, halkaasoo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya una taba baran fur furista walxaha qarxa ay kaga furayaan.

Afhayeenka maamulka KMG magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar oo saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa cadeeyay falkaan ismiidaminta ah ee Fashilmay, waxaana uu sidoo kale ka dhawaajiyay in haweeneeydaan lagu fulin doono dil toogasho ah.

Waxaa xusid mudan in sidaan oo kale bishii aan kasoo gudubnay bartamaheeda isla xaruunta Jaamacada ee magaalada Kismaayo lagu fashiliyay haweeney sidaan oo kale damacsaneyd fal ismiidaamin ah ineey ka geysato halkaas, taasoo hada ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Xaruunta Jaamacada ayaa waxay tahay bartilmaameed muhiim ah oo inta badan ay ku fashilmeen falal la xiriira qaraxyo, waxa uuna falkan kusoo aadayaa xili xaruunta jaamacada lagu xareeyay Ergadii ku sugnad garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here