Haweeneey Ameerikaan ah oo saaxiibkeed u toogatay arin aad loola yaabay

Haweeneeydaan Ameerikaan ah kana soo jeeda Minnesota ayaa lasoo taagay Maxkamad, kadib markii ay Xabadka ka toogatay saaxiibkeed, si Channelkeda Youtube-ka Viewrs badan u helo.

Haweeneeydaan oo lagu magacaabo Monaliza Perez islamarkaasna 19 sano jir ah, ayaa Xabad Feeraha u galisay saaxiibkeed Pedro Ruiz.

Pedro ayaa inta aysan xabada ku dhicin Xabadka saartay Buug isagoo aaminsan inuu Xabada ka difaaci doono.

Labadaan lamaane ayaa isku haaya Canug 3 sano jir ah, waxaana la sheegay ineey ahaayeen lamaane si aad ah isu jecel.

Pedro adeerkiis ayaa warbaahinta u sheegay in labadaan lamaane ay sidaas u sameeyeen si uu kor ugu kaco Youtube ay leeyihiin.

Ms Perez oo hada leh uur ayaa arbacadii lasoo dhaafay kazoo muuqatay Maxkamad ku taala Minnesota, waxaana Booliska ay soo bandhigeen 2 Kaamiro oo lagu duubay sida wax u dhaceen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here