Haween Soomaaliyeed oo booqday Xabsiyo ku yaala Minneapols

Haween Soomaaliyeed ayaa booqday Xabsiyo ku yaala magalada Minneapols ee dalka Mareeykanka, halkaasoo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in dhalinyarada halkaas ku jirta ay haystaan dhibaatooyin farabadan.

Xabsiga ugu weyn eek u yaala magaalada Minneapols ee gobolka Minisota, waxaa kujira dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo haysto danbiyo la xiriira ineey Al-shabab lug ku lahaayeen ama Burcad-badeednimo.

In ku dhow 30 haween Soomaaliyeed oo qaarkood caruurtooda ay ku jiraan Xabsiyada ayaa tagay halkaas, kuwaasoo u kuur galayay xaalada nololeed ee dhalinyaradaas.

Mid kamid ah Haweenka, ayaa sheegtay in caqabada ugu weyn ee dhalinyaradaas haysata ay tahay, in aysan shaqo heleynin markeey soo dhamaystan mudada Xukunkooda aqoon walbo oo ay leeyihiin.

Qofka xabsi ku gala wadanka Mareeykanka waxaa adag inuu shaqo helo ilaa laga cafiyo danbigii loo haystay.

“Shaqo kastoo oo ay Apply gareeyaan ma helayaan, caruur badanoo waxaan aragnay markeey xabsiga kasoo baxeen aan ilaa iyo hada helin meel ay ka shaqeeyaan” ayay tiri mid kamid ah Hooyooyinka Soomaaliyeed ee booqday xabsiyada Minneapols.

“Xabsi waa Xabsi, hadii guriga aduunka ugu quruxda badan laguugu xabso haka soo bixina lagu dhaho wuxuu kuu noqonayaa meesha aduunka ugu xun, waayo xuriyadii baa laga qaaday” ayay tiri mid kamid ah haweenka booqday Xabsiyada Minneapols oo ka war bixineysay xaalada nololeed dhalinyarada Soomaaliyeed eek u jira Xabsiyada Minneapols.

Soomaalida ku nool magaalada Minneapols ee gobolka Minisota, ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa hareeyay maxkamadaynta dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaas kasoo jeeda, kuwaasoo lagu eedeeyay ineey ka garab dagaalameen Al-shabaab, amaba dhaqaalo u aruurin jireen.

Qaar kamid ah dhalinyarada la xukumay, ayaa lagu riday Xukuno ilaa 20-10 sanadood ah, sidoo kale waxaa jiray 2 haween Soomaaliyeed oo iyagana maxkamad xukuntay kadib markii lagu helay ineey shabaab taageeraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here