Haween Soomaaliyeed oo ay Xukuno ku riday Maxkamad Ku taala Mareeykanka

Maxkamad ku taala magaalada Minisota ee Mareeykanka, ayaa 3dii maalmood ee lasoo dhaafay Xukuno ku rideysay dad Soomaali ah, oo loo haysto ineey xiriir la lahaayeen Ururka Al-shabaab.

Shalay Maxkamada waxay xukuno kale ku riday 2 gabdhood oo Soomaali ah, oo lagu kala magacaabo (Aamino Faarax Cali oo 36sano jir ah ayaa lagu xukumay 20 sano, Aamino waxaa lagu soo oogay 13 dacwadood oo lala xiriiriyay Aragagixisnimo iyo ineey lacag u diri jirtay Al-shabaab, waxaa kaloo 10 sanadood lagu xukumay Xaawo Maxamed Xasan, oo 66sano jir ah, waxaana lagu soo oogay 1 danbi oo Aragagixisnimo ah, iyo 2 dacwadood oo ah ineey been u sheegtay hay’ada FBI-da Mareeykanka ee arimahan baareysay.

Qaadiga guud ee maxkamada Minneapols Michael Daves, ayaa soo saaray xukunka ugu danbeeya ee Haweenkaan Soomaalida ah lagu riday, waxaana goobta ay maxkamadeeyntooda ka dhacaysay xaadir ku ahaa qaraabadooda.

Laanta danbi barista Mareeykanka, ayaa afartii sano ee ugu danbeeysay waday baaritaano iyo dabagalo xoogan, si loo joojiyo dhalinyarada ka hooseysa 20ka sano ee doonaya ineey ku biiraan Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee shalay kasoo qayb galay maxkamadaynta haweenkaan, ayaa sheegay ineey aad ula yaabeen xukunka 20ka sano ah ee lagu riday Aamino Faarax Cali iyo Xaawo oo iyadana 10 sano lagu xukumay.

Maxamuud Xasan, oo kamid ahaa Soomaalida kasoo qayb gashay maxkamadaynta Haweenkaan, ayaa sheegay in uu ogyahay oo kaliya in haweenkaan ay gar gaari jireen dadka fuqarada ah iyo Agoonta.

Magaalada Minisota ee mareeykanka maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka socday maxakamadayn musalsal ahaa oo lagu riday dhalinyaro Soomaaliyeed, oo lagu eedeeyay ineey qayb kayihiin ama dhaqaalo ku taageereen ururka Al-shabaab oo uu Mareeykanka ku diray liiska kooxaha waxa uu ugu magac daray Argagaxisada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here