Haween Hubeysan oo kusoo badanaya India si ay uga hortagaan……

Fal kufsi ahaa oo bishii December dhamaadkii sanadkii hore loo gaystay gabar 23 sano jir ah ayaa sababtay in caasimada India ee New Delhi ay ka dhacaan dibad baxyo waawen, dadkaan dibad baxayay oo u badnaa haween ayaa dalbanayay in la’ilaaliyo amaanka haweenka ama in ugu yaraan haweenka loo ogolaado hub ay isku daafacaan.

Hadaba Haweenka ku dhaqan wadanka India ayaa go’aansaday ineey is hubeeyaan islamarkaasna qaataan hubka fud fudud sida mindiyaha yar yar si ay isaga difaacaan kuwa caadeystay falalka kufsiga ah.

“Xukuumada way ka gaabsatay ineey ilaaliso xuquuqda haweenka, sidaa darted anagana waxan go’aansanay inaan ilaalino nafteena, oo aan ka ilaalino kuwa wax magaratada ah ee aan aqoonin waa hooydaa waa walaasha kula dhalatay” ayay tiri mid kamid ah haweenka ku nool magaalada Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here