Hargeysa: Somaliland oo war kasoo saartay casuumaada Sh. Shariif & Faroole

shariif iyo faroole
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole

Maamulka la magac baxay Somaliland, ayaa beeniyay warar maalmihii dambe laysla dhex marayay, oo ahaa in maamulkaas uu xuska 18 May ku marti qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole oo asna ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Puntland.

Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ah wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa gabi ahaanba beeniyay warkaas, waxaana uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

“Taako kamid ah dhulka Somaliland ma’imaan karaan iyaga iyo kuwa dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland ee jebiyay sharciga” ayuu yiri Wasiirka madaxtooyada S/land.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here