Hargeysa: Somaliland oo aaminsan in dhismaha Dekeda Berbera ku xirantahay aqoonsi ay helaaN

DPMaraakiibta Kalluumeeysiga iyo kuwa sida badeecadaha kala duwan, ayaa ah kuwo dul sabeeynaya Biyaha Buluuga ah ee Dekeda Berbera. Berbera ayaa ah meel istiraatiiji ah islamarkaasina ay maraan maraakiibta ugu badan Caalamka.

Laakiin isbadalo waaweyn ayaa imaan doona dhawaan, marka dib u dhis casri ah lagu sameeyo Dekeda Berbera, kadib markii ay Xukuumada Somaliland heshiis la gashay shirkad ka diiwaan gashan Imaaraadka oo lagu magacaabo DP WORLD, taasoo qandaraas ku qaadatay dhisida Dekeda.

Somaliland oo 25 sano kahor ku dhawaaqday ineey ka go’day Soomaaliya inteeda kale mudadaasna aan wax ictiraaf ah helin, ayaa hada u aragta dhisida Dekeda Berbera jaanis weyn islamarkaasina ay qeyb ka qaadan karto ineey Ictiraaf Caalami ah helaan.

Dekeda Berbera waxaa hada si caadi ah looga dhoofiyaa ilaa 40,000 oo Geel iyo Ido isugu jira, kuwaasoo loo dhoofiyo wadamada Khaliijka qaarkood iyo Sacuudiga.

Maalgashiga ay shirkada Imaaraadka laga leeyahay ku sameyn doonto Dekeda Berbera, ma ahan keliya in dakhli fara badan kasoo geli doono Somaliland, ee waxeey u arkaan mid u horseedi kara ineey helaan aqoonsi Caalami ah.

“Hadafkeena waa in Dekeda Berbera ay noqoto Dekeda ugu weyn ama ugu mashquulka badan Caalamka, gaar ahaan Geeska afrika” sidaa waxaa yiri maamulaha Dekeda Ali Mohamed.

“Sanad gudihiisa ayaa lagu ballaarin doonaa, waxaana rajeeynayaa in maalinkii ay kasoo degaan ilaa 200,000 kunteenar” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here