Hargeysa : Nin Xaaskiisa & Labo Carruur ah oo u dhalay dilay

Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in saaka laga helay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaas, meydka haweeney iyo labo carruur ah oo ay dhashay.

Arrintan ayaa la sheegay in uu sameeyay nin qabay oo ahaa abaaha reerka, kaasoo dilay xaaskiisa oo uur leh iyo labo carruur ah oo u dhalay.

Ciidamada ammaanka booliska oo gaaray goobta ayaa gacanta ku dhigay ninka falka geestay, kaasoo markii dambe la ogaaday in uu dhaawacan yahay oo markii uu xaaskiisa iyo carruurtiisa dilay isna iska gooyay xaniinyihiisa.

Waxaa la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa halkaasoo hadda lagu daweynayo dhaawacihiisa.

Ma cadda illaa hadda sababta ku kaliftay ninkan uu dilo xaaskiisa iyo labo carruur ah oo aabo u ahaa, dabadeedna uu isagana iska jaray xiniin yihiisa.

Dadka magaalada Hargeysa ayaa aad u ganaxay falkan, waxaana ay sheegeen in ninka uu ahaa mid xanuun san oo maskaxda uu ka jiranaa.

Waa markii ugu horreysay oo dadka magaalada Hargeysa arkaan nin xaaskiisa iyo carruurtiisa dila, isna iska jaro labadiisa xaniinyo.

Waa bestiis hadda oo waxaa lacaga cabsi qabaa in uu geeriyooda.

Dad badan ayaa isugu soo baxay xaafadda dhacdan ay ka dhacday oo magaalada Hargeysa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here