Hargeysa: Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay Fanaanka Farxaan Xidig (Sawiro)

farxaanCiidamada Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Farxaan Xidig.

Farxaan Xidig ayaa la sheegay inuu dhowaan tagay magaalada Hargeysa, waxaana xiray ciidamada booliska ee Somaliland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mr Farxaan Xidig loo xiray arrimo la xiriiray siyaasada, maadaama uu dhowaan ku dhawaaqay inuu u xuubsiibanayo siyaasada, isla markaana uu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya.

13524416_1101610683233076_7285930180693923703_n

Farxaan Xidig oo horay Muqdisho u yimid sanadkii 2012, isla markaana marar badan ku soo laabtay ayaa la sheegay inuu xilli rabay Xildhibaan, si uu u bedelo booska Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka.

Somaliland oo horay ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa deegaanadeeda ka mamnuuc ah inay tagaan Siyaasiyiinta ama Mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here