Hargeysa: Ciidamada S.land oo qabtay rag hubeysan oo qaraxyo diyaarinayay

HargeysaWararka ka imaanaya magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamadda amaanka maamulkaasi ay gacanta ku dhigen rag diyaarinayay waxyaabaha qarxa oo ku sugnaa Guri ay Ka kiraysteen Xaafada Haf London ee Degmada Axmed Dhagax.

Kooxda la Qabtay waxay tiradoodu gaareysaa Saddex Nin iyo Todoba Laptop, sidoo kale waxaa ay wateen qoryo AK47, sida uu sheegay Wariye Jamaal Ibraahim oo Dalsan Hargeysa uga soo hadla.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo dadka soomaliland ay u diyaargaroobayaan 18-may oo ay ka harsan tahay kaliya labo cisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here