Hargeysa: Askari ku dhintay Xabsi la Jabsaday

Xabsiga Hargeysa
Xabsiga Hargeysa

Qaar ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa ayaa isku dayey maanta inay ka baxsadaan xabsigaasi. Mid ka mid ah ciidanka ilaalada xabsiga ayaa dhintay, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in maxaabiistii samaysay isku dayga gacanta lagu dhigay.

Xuseen Axmed Ceydiid, oo ah wasiirka Cadaalada maamulka Somaliland, oo wareysi siinayay Idaacada VOA, ayaa sheegay in Maxaabiis danbiyo waaweyn u xirnaa, ay isku dayeen ineey isaga baxsadaan Xabsiga Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in maxaabiista ay baxsashadooda ku beegan xiliga Qadada oo ahayd xili ay Cad ceedu aad u kulushahay.

Wasiirka ayaa sheegay, in maxaabiista ay dileen askari ilaalo ka ahaa Albaabka 1aad, islamarkaasna qaarkood ayba banaanka u baxeen, laakiin waxa uu sheegay in Askartii dibada Joogtay ay Gacanta kusoo wada dhigeen.

“Iyaga iyo dad kaloo dibada joogay oo la tuhmayo ineey la shaqeeynayeen Gacantaa lagu soo dhigay” ayuu yiri wasiirka.

Halkaan ka dhageyso warey lala yeeshay wasiirka:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here