Hargaysa oo maalinkii 2aad Qaad la’aan ah Maxaa cusub?

MirqaanMagaalada Hargaysa ayaa maalinkii 2aad Jaad la’aan ah, kadib markii Doowlada Ethiopia ay xirtay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya & Ethiopia, munaasabada Xuska Qowmiyadaha Dalkaas darteed oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Jigjiga.

Asxaabta jaadka cunta ee ku nool magaalada Hargaysa, ayaa la arkayay iyagoo isugu soo baxay goobaha jaadka lagu iibiyo, islamarkaasna aad u xanaaqsan isna weydiinaya waxa ku dhacay Jaadka.

Laakiin waxaa jirtay in shalay Baabuur ay si dhuumaaleysi ah Jaad u keeneen Hargaysa, kuwaasoo soo maray Wadooyin qardo-jeex ah, waxaana markii ay magaalada soo gaareen ku qamaamay dad aad u farabadan, iyadoo qiimaha layska siinayayna uu ahaa mid aad uga sareeya qiimihii horay loo iibin jiray.
Kiilada Jaadka oo horay magaalada Hargaysa looga iibin jiray 15$, ayaa shalay waxaa kiiladii la iibinayay 25$, waxaana taas ugu wacan kadib markii ay Doowlada Ethiopia xirtay Xuduudka ay la leedahay Soomaaliya Xuska maalinka Qowmiyadaha Dalkaas dartiis.

Dhinaca kale, Dadweyno badan oo reer Somaliland ayaa aad ugu faraxsanaa maqnaanshaha qaadka, iyagoo ilaahay ka baryey inay maalin walba sidaas ku maqnaado, waxaana maanta korodhay dakhligii ganacsatada gaar ahaan meelaha cuntooyinka lagu iibiyo.

Shacabka oo soo dhaweeyay maqnaashaha Jaadka:

images

“Waxaan maanta ku farxay maqnaanshaha qaadka ee xadka laga xidhay, waxaana odhan lahaa dalkaasi Itoobiya maalin walba xaflado sidan oo kale ah ha samaystaan si jaadka aanu uga raysano”ayuu yiri Axmed Jaamac oo ka soo horjeedda dhibta uu jaadku u leeyahay bulshadda.

“Lacagtii inaga lumi jirtay waxay maanta dib u gashay dalkeena oo ilaa maanta makhaayadadihii shaaha iyo sharaabka iyo hoteeladii may rawaxin oo waxa kuyuu loogu jiray kuraasta, kuwaas oo la kala waayey cuntadii, maadaama oo dad intaas leeg loogu talogalin wakhtiyadana aanay joogi jiray suuqyadda”ayuu yiri Maxamuud Xasan oo ka mid ahaa dadka makhaayadaha ku leh magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxa xusid mudan inay madaxweynaha oo ka yimid magaaladda Jig-jiga uu la kulmay boqolaal dadweyne oo tuban laamiyadda hareeraheedda oo dhinaca uu qaadku ka soo galay eegaya, kuwaas oo qaarkood ku dhawaaqayey jaad ma sidaa, iyagoo gaadhi kasta oo magaaladda soo galaya waydiinayey inay jaad sidaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here