Hantida qoyska Zine El Abidine Ben Ali oo la iibinayo

Dowlada Tunisia ayaa diyaarineyso qorshe ay ku iibineyso hantida qoyska madaxweynihi hore ee xilka laga tuuray Zine El Abidine Ben Ali si loogu kabo miisaaniyada sanadkan 2012 ee maamulka cusub.

Golaha Dastuuriga Qaranka ayaa lagu wadaa inuu ka fariisto arrintaasi, iyadoona dowlada rajeyneyso in ay ka hesho hantida la iibanayo lacago dhan 1.2 billion dinar oo u dhiganta (780 million dollars) kuwaasi oo ku jira in ka badan 100 shirkadood oo ay saamiyo iyo lacago ku leeyihiin qoyska iyo qaraabada madaxweynihi hore.

Marka laga soo tago in ay ku kabto miisaaniyada, waxay dowlada rabtaa in sidoo kale lagu taageero dadka fariga ah iyo in lagu kabo barnaamijyada xaga horumarinta ah.

Marki xakunka laga tuuray dowladi hore ayaa waxaa la xayiray boqolaal shirkad oo qoyska Bin Cali lahaayeen iyo shirkado kale oo ay ku lahaayeen saamiyo, waxaana lagu qiyaasay hantida qoyska Bin Cali ilaa iyo (3.25 billion oo dollar), shirkadahaasi waxaa ka mid ah kuwo xaga isgaarsiinta ah, kuwo xaga hawada ah, bankiyo, shirkadaha baabuurta, dalxiiska, warshado iyo kuwo xaga beeraha ah.

Madaxweynihi hore ee dalka Tunizia ayaa haatan ku jooga magangalyo siyaasadeed dalka Sacuudi Carabiya, waxaana maxkamad ku taala Tunizia ay ku xakuntay xabsi daa,in.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.