Hanti dhowrka Guud oo qoraal jawaab ah ka soo saaray eedeyntii musuqa ee Guddiga Maaliyadda

Maxamed Maxamuud Afgooye Hanti dhowrka ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray eedeyntii  Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka Baarlamaanka uu u jeediyay Wasaaradda maaliyadda iyo Hey’addaha dowladda inay ku kaceen wax is daba marin, maamul xumo iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee sanadkan.

Xafiiska Hanti dhowrka ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah:-

1-  in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran

2- in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda  ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo

3- in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here