Hamsik oo loo kordhiyay heshiiska Napoli

280084_heroaXidigga qadka dhex ee kooxda Napoli, Marek Hamsik ayaa xaqiijiyay in uu loo kordhiyay heshiiska uu kula joogo kooxdiisa, waxaana la gaarsiiyay sannadka 2018.

Xidigga reer Slovakia ayaa kooxda Naples ku biiray sannadkii 2007,wuxuu noqday mid ka mid xidiggaha magaca u yeelay kooxda ka dhisan garoonka Stadio San Paolo.

Ciyaaryahanka 26-jirka ayaa xaqiijiyay in in uu dib u cosbooneesiiyay kaddib markiii ciyaar saaxibtinimo oo kooxda Partenopei ay 2-1 kaga badisay Benfica Jimcihii shaley.

“Waxana cusbooneesiiyay heshiiskeyga Napoli tan iyo 2018 aad ayaan ugu faraxsanahay,” Hamsik ayaa u sheegay Mediaset Premium.

Madaxweynaha kooxda Napoli, Aurelio De Laurentii, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hesiishka dheeriga ee uu saxiixay Hamsik, wuxuuna sheegay in xidiggan uu yahay tiir macalinka Rafael Benitez.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here