Hamigii awoowayaasha iyo jiilka maanta(Qormo)

Aqristayaasheena sharafta lahoow ciwaankaan waxaan ugu talo galnay inaan idinku xasuusino siyaasadii awoowayaasheen ay ka aaminsanaayeen magaca Soomaaliweyn iyo aragtidooda ku aadaneed qadiyada Soomaaliya,xaqiiqdii mudo ayaan ku noolnahay dhibaato anagoon nasiib uyeelan inaan aragno waqtigii wanaagsanaa ee awoowayaasheen,sidoo kale waxaan jecleeysatay inaan dhowr su’aalood kajawaabno markii aan baaris kusoo sameeyay,kuwaasoo kala ah.

-Goormeey bilaabatay figrada Soomaaliweyn?
mase jirtaa wax lagu magacaabo Somaliweyn?
mise waa qadiyad waqtigeeda uu dhacay?
yaase bilaabay figradaas?
maxayse ahayd xuduuda ay lahayd Soomaaliweyn?
sax matahay in gobolada qaar aysan dooneen ineey markale kusoo laabtaan Soomaaliweyn?.
Intaas kadib ayaan si boobsiis ah waxaan udul istaagi doonaan meelaha ay ku fashilmeen jiilka hadda jooga,maadaama uu bilaawday casrigii awoowayaasheen.

Goormee iyoo meeshee ayay kabilaabatay Taariikhda Soomaaliweyn?
Kahor qarniyo majirin wax lagu magacaabo “soomaaliweyn”,iyadoo soomaalida ay ahaayeen dad dagan bariga iyo waqooyiga gaar ahaan dhulka Puntland,kaasoo ahaa dhulka asalka ah ee soomaalidii hore,kahor inteeysan usoo guurin koofurta waqooyiga iyo galbeedka.

Dhulka ay maanta dagaan Soomaalida waxa uu bari wadan u ahaan jiray qoowmiyadaha kala ah reer baraawe,reer xamarka,Baantuuga,iyo qabiilka lagu magacaabo baajuunka,sidoo kale waxaa dagi jiray qabaa’ilka carabta,waxayna ahaayeen qabaa’il aad uyar,waxayna dagi jireen hareeraha labada wabi ee jubba iyo shabeele,waxaana kusoo dumay qabaailka kale ee soomaalida kuwaasoo markii danbena kala wareegay dhulkii ay daganaayen qarniyo kadib,gabi ahaantoodna waxaa laga raacdeeyay wadanka ilaa inyar maahane oo isku dhiibay qabiilaadkii xooga kuqabsaday kuwaasoona nolol adag oo ihaano ah kula nool ilaa iyo maanta.

Intaas kadib waxaa timid boqortooyadii ajuuraanka.oo shacabka soomaaliyeed xukumeeysay qarniyo,balse markii dabo waxaa kahoryimid shacabka sidaas ayayna ku dhacday boqortooyada ajuuraan,intaas kadib soomaalida waxay dagaal aad uqaraar lagaleen labada qabaail ee lagu kala magacabo (Oromo&Booranaha) dagaalkaas kadibna waxay qabsadeen dhulal cusub waxaana kamid ahaa (mandheera,Gaarissa,Wajeer,Moyale,iyo caasimadii hore ee NFD isyeelo)sidaas ayayna ku balaarsatay soomaliya dhulkeeda ilaa ay gaaraan deegaanka “Maato” oo katirsan Kenya.

Yaa lahaay figradda Soomaaliweyn?
Kadib markii ay awoowayaasheen awoodooda ku faafiyeen sjanta qeybood ee soomaliya, ilaaheey ayaa waxa uu doonay inuu yimaado nin naadinayo magaca Soomaaliweyn dhulkana laga xureeyo gumeystayaasha iyo soo duulayaasha, isla markaasna ladhiso dowlad soomaaliyeed oo weyn madaxbanan,dalkana kumaamusha axkaamta iyo shareecada islaamka,ninkaas ninkale maahane waa mujaahidkii weynaa Al-sayid Maxamed C/lle Xasan,allaha unaxariistee waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa magaca (Somaliweyn)mideeyayna dhulka soomaaliyeed, xiligaasna waxa uu ahaa xiligii uu gumeystaha dalka haystay una qeybiyay 5qeybood.

Lasoco qaybta 2aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here