Meelo badan oo Africa waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacay , isku soo bax lagu muujinaayo sida looga xun yahay midab takoorka lagu sameeyo cayaartoyda Qaaradda Africa ee ka cayaara horyaaladda Yurub.
Boqolaal qof oo u badan ciyaartoyda Soomaaliya ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho, iyagoona soo bandhigay boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo looga soo horjeedo takoorka lagu hayo ciyaartoyda qaarada Africa.

Dadkii ka qaybgalay isku soo baxa, ayaa muujiyay in ciyaartoyda qaarada ay sameeyeen horrumar wayn marka loo eego ciyaaraha ay ka qaybgalaan qaaradda.
Hey’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA waxa ay lee dahay waa in gabi ahaan la mamnuuco takoorka lagu hayo ciyaartoyga ka soo jeeda Africa.
Qaar badan oo ah ciyaartoyga Africa ayaa kala kulma horiyaalada Yurub takool iyo cunsriyad taasoo ciyaaryahanka ku abuurta naceyn iyo jahwareer.
Dhowr ciyaartoy oo ka soo jeeda qaarada ayaa lagu sameeyay takoorkaas, kuwaasoo qaarkood loogu yeeray Daanyeer, sida Eto’o iyo Bolleteli.
Si kastaba, ha ahaatee dhallinyarada maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa halku dhigaya ay wateen waxaa ku qoraan sawirro muujinayay in sportiga qaaradda Africa uu soo qurxoonaanayay wixii ka dambeeyay sanadkii 1990-kii.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com